MAGAN-GALYO KA CODSO DALKA MARAYKANKA
Waxaa dhici karta in magan-galyo la siiyo dad horay u joogay dalka Maraykanka kuwaasoo aan awoodi karin ama aan rabin inay dib ugu noqdaan dalkoodii hooyo sababtoo ah waxaa ka jira dulmi ama cabsi dhab ah oo laga yaabo inay dhibaato la kulmaan hadday dib ugu laabtaan. Cabsida jirtaa koow waa inay soo hoos gashaa mid in ka badan shan xaaladoo oo ay waajib tahay in la dhawro.
Haddii lagu siiyo magan-galyo, waxaa laguu ogolaanayaa inaad deganaatid oo ka shaqaysatid dalka Maraykanka. Islamarkaa waxaa kuu furan inaad dalbatid in lagu siiyo sharci aad dalka ku joogtid oo ka bilaabmaya sanad kadib marka magan-galyo lagu siiyo. Sidoo kale, waxaa laguu ogolaanayaa inaad xaaskaagii iyo carruurtaadii ku keentid hab is-dhiibayaal ah. |
Nala soo xiriir. Si aad uga ogaato wax dheerad ah oo ku saabsan magan-galyo USA.
|
Dignin.- HA SAMAYN codsiga dheegto oo ah magan-galyo, taaso la micno ah maalaa-yacni oo aan asal raad midna lahayn oo aad ogtahay inuu beenyahay. Tusaale ahaan, waxaa la soo ogaaday inay jiraan dad soo “amaahaday” sheeko qof tacadi lagu sameeyey si ay magan-galyo uga helaan dalka Maraykanka. Kuwo kalena waxay soo qurxiyaan arrintooda iyagoo ku daraya faah-faahin been abuur ah. Haddaad sidaas samaysid oo lagu ogaado, weligaa lagu siin maayo fiise aad ku soo gashid dalka Maraykanka iyo sharci aad dalka ku joogtid.
|
LA SOCO WAQTIGA HAL SANO KU XADDIDAN.
Waqtiga sanadka ku xaddidan ee magan-galyada lagu soo codsan karo wuxuu ka bilaabmayaa taariikhdii aad dalka soo gashay ama sanad dhexdiis intuusan dhicin waqtigii fiisuhu (haddii aad fiise haysatay). Waxaase jira waxyaabo ka baxsan ama laga reebay sharcigan. |
SI FAAH-FAAHIN USOO BANDHIG CODSIGAGA
Aday kuu taal sidii aad usoo diyaarin lahayd macluumaad aad ku xoojinaysid arrintaada. Taa macnaheedu waxaa weeye waa inaad soo gudbisid dhammaan wixii dukumentiyaal ah oo aad heli kartid si aad u muujisid qofka aad tahay iyo jinsiyaddaada iyo xogta ku saabsan arrintaada. Haddii aad weli ku sugantahay dibedda dalka Maraykanka oo aad rabtid inaad soo dirtid codsi magan-galyo, waxaa lagaa rabaa inaad adigu keentid ama boostada kusoo dirtid ama iimayl ama usoo dirtid qof aad taqaanid oo ku kalsoontahay. |
Waa KuweeNoocyada Tacadiga ee Lagu Heli Karo Magan-galyo?
Waaxaa intaas sii dheer, tacadigu waa inuu soo hoosgalaa shan qaybood oo xuquuqdooda "la dhawro.” Waxaa ka mid ah diintaada, jinsiyadaada, qowmiyaddaada, aragtidaada siyaasadeed ama urur bulsho aad xubin katahay (waxaa ku jiri kara qabiilkaaga, jilibkaaga, lab iyo dhadig kaad tahay, aragtidaada ku saabsan galmada ama kooxo dad kale ah oo xaaladdoodu la midtahay xaaladdiinna.
Tacadi ku saabsan xaalado kale laguma mutaysan karo magan-galyo. Tusaale ahaan, qof baa laga yaabaa inuu ka cabsanayo inuu ku laabto dalkiisii hooyo maxaa yeelay qof ay deris ahaayeen oo u cadhaysanaa ayaa ugu hanjabay inuu ka aargudan doono godob hore darteed. Xaalad taasoo kale ah laguma mutaysan karo magan galyo siin. Waxaa magan-galyo siin u qalma qof la xidhay ama loo hanjabay kadib markuu ka qayb galay bannaanbax ka dhan ah xukuumadda ama qof lagu khasbay inuu askari noqdo ama qof qabiile kale dhibaato u geystay ama ah dhibane xubin qoyskiisii ka tirsan ay dileen kooxo diineed xag-jir ah ama qof la kulmay takoorid ama waxyello ka soo gaadhay sabab diin ku lug le darteed.
YAA MAGAN - GALYO SIIN U QALMA?
Waad codsan kartaa magan-galyo xattaa haddii aad dalka Maraykanka aad ku joogtid si sharci darro ah.
Waa inaad ku soo codsataa magan-galyo sanad dhexdiis ka bilaabmaya markaad dalka soogashay. Waxaa jira xaalado laga reebay oo aan sharcigan lagu dabaqi karin sida haddii durufihii aad magan-galyada ku mutaysan lahayd wax iska beddellaan ama aad la kulantid durufo aan caadi ahayn kadibna aad awoodi kari weyday inay codsigii ku soo gudbisid sanad dhexdiis. Duruufaha waxaa ka mid ah haddii xaladda dalkaaagii wax iska beddellaan ama dhacdooyin kale oo dhacay awgood.
MAAGAN-GALYO LA XAQIIJIYEY
Qof soo codsaday magan-galyo lasoo xaqiijiyey lagama qaadan karo go'aan lagu musaafurinayo kahor intaan la horgeen qaalli socdaal. Qofka magan-galyada soo codsaday waa inuu yahay mid dalka Maraykanka joogay. Markaas waxuu u baahan yahay inuu codsigiisa ku soo gudbiyo (Form 1- 589) – codsi magan-galyo iyo ln laga joojiyo in dalka laga musaafuriyo. Codsiga waxaa lagu soo hagaajinayaa xarumaha hay'adda USCIS. Codsi soo qorte wuxuu hortegayaa mas'uul katirsan USCIS oo qaabilsan umuuraha magan-galyada. Haddiise codsiga la aqbaliwaayo, qofka arji soo qortayna uusan si sharci ah dalka ku joogin, xafiiska USCIS wuxuu bixinayaa Form 1-862 – ogeysiis maxkamad lagu hortago. Kadibna arrinta waxaa loo gudbinayaa qaalli socdaal (fiiri DIFAAC MAGAN-GALYO).
IS-DIFAAC MAGAN-GALYO
Codsi is-difaac ah oo lagu soo dalbado magan-galyo wuxuu imanayaa marka qof magan-galyo soo codsado isagoo islamarkaas iska difaacaya in dalka Maraykanka laga musaafuriyo. Sida caadiga ah, shakhsiyaadka magan-galyo doonka ah waxaa la mariyaa labo hab oo is-difaac ah:
(1) Hay'adda USCIS ayaa u dirta qaalli socdaal. Kadibna marka la go'aamiyo inayan u qalmin in magan-galyo la siiyo
(2) Waxaa lagu daraa dadka la musaafurinayo sababta oo ah waxaa la qabtay iyagoo si sharci darro ah dalka ku joogay ama waxaa lagu qabtay xuduudda dalka laga soogalo iyaga oo aan wadan waraaqo sharci ah ama waxay jebiyeen sharciga dalka lagu joogo ama waxaa qabatay waaxda cashuuraha iyo ilaalinta xuduudaha iyagoo isku dayayay inay dalka Maraykanka soo galaan iyagoo aan wadan waraaqo sharci ah ama waxaa lagu daray kuwa la amray in dalka dhakhso ah looga musaafuriyo. Kadibna sarkaalka u xilsaaran magan-galyada ayaa wuxuu ogaaday haddii shskhsiyaadkan la musaafuriyo inay jirto cabsi dhab ah oo ah inay la kulmayaan ciqaab iyo caddibaad. Waxaasi waa waxa kugu dhici kara haddaad iska dhiibtid meelaha dalka laga soogalo kadibna aad u sheegtid kormeeraha magan-galyada inaad rabtid in magan-gelyo lagu siiyo.
Qaaliyaasha socdaalku waxay dhegeystaan arrimo ku saabsan is-difaaca magan-galyada si la mid ah iyadoo la fadhiyo qol maxkamdeed. Qaalligu wuxuu dhegeystaa labada dhinac – shakhsiga codsaday magan-galyada iyo qareenkiisa iyo xukuumadda Maraykanka oo uu matalayo qareen ka tirsan qaybta amniga dalka iyo laanta socdaalka iyo waaxda fulinta bixinta cashuuraha. Qofka magan-galyada codsaday iyo xukuumadduba waa keeni karaan markhaatiyaal kadibna qaalliga socdaalku wuxuu go'aaminayaa in qofka soo codsaday magan-galyada uu u qalmo in magan-galyo la siiyo iyo in kale. Haddiise qaalliga socdaalku ogaado in qofka arji soo qortay u qolmo magan-galyo, wuxuu amrayaa in magan-galyo la siiyo. Hase yeeshee, haddii qaalligu ogaado inuusan arji soo qortuhu u qalmin ama mudnayn in magan-galyo la siiyo, wuxuu go'aan ka gaadhayaa bal inuu u qalmo hab kale oo ka baajin kara in la musaafuriyo. Hadduuse uu u qalmiwaayo hab culayska lagaga debciyo, qaalligu wuxuu xukumayaa in qofkaas dalka Maraykanka laga musaafuriyo.Labada dhinacba waxaa u furan am u banaan inay racfaan ka qaataan go'aanka qaalliga.