SIDEE USOO DIYAARIYAA CODSIGAYGA?
Waxaa lagaa filayaa inaad soo bandhigtid dhammaan waraaqaha rasmiga ah ee aad haysatid ama heli kartid si aad u muujisid ama u caddaysid codsiga magan-galyo. CADDAYN AQOONSI: Qofka aad tahay waxaad ku caddayn kartaa markaad soo bandhigtid nuqul rasmi ah oo laga sooqaaday shahaadada dhalashada (soo raaci turjumaad ingiriisi ah haddii loo baahdo), nuqul kaarka aqoonsiga dalkaaga, nuqul dalkumarka, nuqul dukumentiga safarka, nuqul shahaadada guurka, qoraal caddaynaya shaqooyinka aad ka soo shaqaysay iyo dugsiyada aad wax ka soo baratay (haddii aadan heli karayn waraaqo rasmi ah, waxaad keeni kartaa dhaar qoraal ah oo laga soo qaaday asxaabtaada ama dad aad qaraabe tihiin ama dad aad taqaanid oo ka tirsan bulshada aad ka midka tahay). ASAAS XAQIIQO AH: Waxaa kalee lagaa rabaa inaad soo bandhigtid waraqo rasmi ah oo caddanaya in codsigaagu ku dhisanyahay asaas xaqiiqo ah. Tusaale ahaan, qoraal caafimaad, war-bixin booliis, qoraal maxkamad, qoraallo warbaahin iyo/ama dhaar qoraal ah oo laga soo qaaday dad asxaabtaa ah ama dad qaraabe ah ama dad kale oo ka warhaya sidii laguu caddibay markaad joogtay dalkaagii. BAYAAN SHAKHSI AH: Waxaa la rabaa inaad codsigaaga ku soo lifaaqdid bayaan shakhsi ah aad ku sharxaysid in codsigaagu ku salaysanyahay asaas xaqqiqo ah. Si faah- faahsan u caddee mar walba oo dalkaagii lagugu dulmiyey adiga iyo xubno katirsan qoyskaaga ama qof aad isku koox tihiin. Soo raaci taariikhda, waqtiga iyo meelaha tacadigu ka dhacay iyo weliba faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan sidii adiga ama qof kale dhibaato loogu gaystay. Sheeg ciddii ku dulmiday iyo sababta. Haddaad damac santahay inaad codsi ka dhiibatid meeshii aad dalka Maraykanka ka soo gashay, waxaa habboon inaad sii diyaarisid bayaankaaga shakhsiga ah kahor intaadan soo cago dhigan xuduudaha dalkan Maraykanka. Waxaa la rabaa inaad macluumaadka ku saaabsan codsiga magan-galyada la socodsiisid sarkaalka kulanka waraysi kula yeesha iyo marka lagu sootaago maxkamad socdaal. Haddii aad bayaanka shakhsiga ah horay u soo diyaarisay, waxaad soo jeedin kartaa faah-faahin markasta aad rabtid inaad caddaysid in codsigaagu ku salaysan yahay asaas xaqiiqo ah. Haddaad soo qortid codsi magan-galyo oo aad isku difaacaysid, waxyaabaha qaalliga socdaalku tixgeliyo markuu go'aan qaadanayo waa inuu codsigaagu u egyahay mid la rumaysan karo ama caqli-gal ah. Markaa haddaadan soo bandhigin macluumaad dhammays tiran waxaa dhici karta inuu qaalligu u arko codsigaaga mid aan caqligal ahayn. Sidaas darteedna uu diido codsigaaga. |